Somaliska

Gacmo furan ku soo dhawaada Rugta caafimaadka ee Bergsjön
Turjubaan aqoon u leh caafimaadka oo xarunta kuu joogo.

 

Rugta caafimaadka dadweynaha iyo caruurta ee Bergsjön waxay idin haysaa dhakhaatiir ku soo takhasusay cudurada guud iyo cudurada caruurta, oo isugu jira dhaqaatiir rag iyo dumar ah. Waxaa kale oo ay idin haysaa tarjubaan aqoon u leh caafimaadka oo rugta joogo.

 

Waxay nala tahay in aad xaq u leedahay dhakhtar adiga kuu qaas ah iyo turjubaan mar warbo kuu joogo goobta markii aad soo booqaneysid– qof markii aad timaado aad taqaanid, yaqaanana xaaladaada.  Taasi oo kuu sii socodsiineysaa kuuna abuureyso nabadgelyo iyo si aad u hesho marxalad nololeed. Sidaas darteed waxaan shaqaaleynay turjubaano carab ah, kurdis ah, somali ah iyo SKB.

 

Anigoo ah turjubaanka aqoon u leh caafimaadka Hussein Abdi Alasow, waxaa joogaa maalmaha soo socdo:
Talaadada:  08:00-17:00
Khamiista:   13:00-17:00

 

Xataa waan imaan karaa maalmaha kale, hadii aad awoodi  kari waaysaan in aad imaadaan maalmahaas. Waxaan ku dadaaleynaa in aan ku siino adeega dadweynaha kan ugu fiican.
Maalmaha uu furun yahay Rugta caafimaadka:
Maalmaha caadiga ah: 08:00-18:00
Sabtida iyo Axada: 10:00-14:00

 

Waqtiyada kale daryeelka bukaanka uu furan yahay
Hadii uu xiran yahay rugteena waxaad aadi kartaa Jourcentralen Angereds läkarhus.
Maalmaha caadi ah waxaa uu furan yahay:  18:00-22:00
Sabtida iyo Axada:  10:00-16:00
Angered Läkerhus waxaa uu ku yaalaa Kultivatorgatan 3
Lacagta lagaa qaadaayo:  100 kron marwalbo aad imaatid. (300 kron ayaad bixineysaa hadii aad meel kale xulato oo aanan aheen Jourcentralen)
Habeenada waqtiga uu furan yahay 22:00-08:00 iyo xataa maalmaha aan caadi aheen waxaad tagi kartaa  Jourcentralen  Gamlestadstorget.
Adreeskoodana waa: Gamlestadsvägen 4.